Imaarada Islaamiga Afghanistan oo bogaadisay furashada Dimishiq kuna talisay dhisidda nidaam Islaami ah.

Monday December 09, 2024 - 13:07:52
Liibaan Jeexoow
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Islaamiga Afghanistan ayaa looga hadlay isbedellada dhanka amniga iyo siyaasadda ee ka xasilay wadanka Suuriya.
Imaarada Islaamiga ah ayaa bogaadisay tallaabadan ay xoogaga hay'adda Taxriiru Shaam wadanka Suuriga uga xoreeyeen nidaamkii mujrimka ahaa ee hoggaaminayay Bishaar Al-Asad.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeedkeeda ku caddeysay in isbedelka ay sameeyeen xoogaga kacdoonka uu meesha ka saaray hubanti la'aantii siyaasadeed iyo deganaanshiyo la'aantii ka jirta wadanka Suuriya.

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Islaamiga ee Afgaanistaan waxay ammaan iyo bogaadin ujeeddaysaa hoggaanka Hay'adda Taxriiru Shaam iyo shacabka Suuriya tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen kuwaas oo horseeday soo afjaridda fitnadii iyo xasillooni darradii dalka ka jirtay iyo in ay dib usoo ceshadaan caasimadda Dimishiq taas oo hoos timaada hoggaanka hay'adda laguna celiyay gacanta shacabka Suuriya" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay imaarada Islaamiga ah.

Imaarada Islaamiga ah ayaa ugu baaqday dowladaha caalamka in ay wada shaqeyn la yeeshaan nidaamka cusub ee Suuriya.

Sidoo kale hoggaanka Hay'adda Taxriiru Shaam ayay imaaradu ugu baaqday in uu dhiso nidaam Islaami ah oo xaqiijiya waxa ay doonayaan shacabka Muslimka reer Suuriya.

"Imaaraadka Islaamiga ee Afgaanistaan waxay mar walba ku adkeysaneysaa in lahiso nidaam Islaami ah kaasi oo daboolaya himilooyinka dhammaan Muslimiinta,si arrimahaas loo gaaro kaliya waa in la adeegsadaa wadaxaajood iyo talo wadaag" ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah.

Shalay ayay aheyd markii ay xoogagga kacdoonka Suuriya ay ku guuleysteen in ay ridaan nidaamkii dagaal Ooge Bishaar Al Asad oo qoyskiisu ay wadankaas maamulayeen wax kabadan 53 sanadood xiriir ah.

Related Items

Update cookies preferences