37 sarkaal oo laga dilay maamulka Abiy 60 kalena gacanta lagu dhigay.

Tuesday December 10, 2024 - 07:45:59
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya ismaamulka Amhara ee dhaca dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 37 sarkaal oo heer degmo, oo taabacsan dowladda xabashida Itoobiya.

Warbixin ay daabacday warbaahinta afka Axmaariga wax ku qorta ayaa lagu xaqiijiyay dilka saraakiishan dowladeed ee ka tirsan maamulka Abiy Axmed, waxaana dilalku ka dhaceen deegaan ka tirsan Gojjam.

Ka hor inta aan saraakiishan la toogan ayaa lasoo wariyay in Feresbet oo ka mid ah magaalooyinka Goojam ee ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidamada Fano iyo kuwa millatariga ee dowlada, diyaarado dagaal oo Itoobiya leedahay ayaa qayb ka ahaa dagaallada sida ay soo sheegeen ilo wareedyo maxalli ah.

Kaddib dagaallo culus oo magaaladaas ka dhacay ayaa keenay in ciidanka Fano ay gabi ahaanba isaga baxaan magaaladaasi Jimcihii lasoo dhaafay, sida lagu xaqiijiyay warbixinta la daabacay.

Fano waxay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 100 ka mid ah saraakiisha dowladeed ee aaggaasi u qaabilsanaa maamulka Abiy Axmed, dad goob joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in 37 ka mid ah saraakiisha u xirnaa Fano la dilay.

Goob-joogeyaashu waxay sidoo kale soo sheegeen in saraakiisha maamul meydadkooda lagu wareejiyay ehelladooda, kadibna aas loogu sameeyay kaniisado dhowr ah oo kuyaal ismaamulka Amhara.

Maamulka Amhara ugu magacaaban dowladda xabashida Itoobiya ayaa dilka saraakiishaasi ku eedeeyay Fano, bayaan uu soo saaray, Desalegne Tassew, oo ah madaxa xafiiska nabada iyo amniga gobolka Axmaarada, ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Fano ay dileen 37 ka mid ah 97 qof oo ay gacanta ku dhigeen, bayaanka kasoo baxay maamulka Abiy ugu magacaaban ismaamulka Amhara laguma caddayn in la lasii daayay shakhsiyaadka soo haray iyo in kale.

Jabhadda Fano ayaan dhankeeda weli ka jawaabin eedeynta kaga timid xukuumadda Addis-ababa, balse dadka u ololeeya Faano waxay qabaan suuragalnimada in dilalkaasi ay fulisay dowladda iyada oo diiddan in ay u goostaan dhanka jabhadda mucaaradka ah.


Related Items

Update cookies preferences