Xilli ay dowladda Xabashida Itoobiya kumanaan ka tirsan ciidamadeeda kusoo daad-guraynayso Koonfurta Soomaaliya ayay soo baxayaan warar sheegaya in Xasan Gurguurte uu kulan la yeelanayo Abiy Axmed.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa u yeeray madaxa kooxda villa Soomaaliya si mar kale dib loogu billaabo qorshihii lagu kulansiin lahaa isaga iyo Abiy Axmed.
Xasan Gurguurte ayaa goor dhawayd u duullay magaallada Ankara halkaas oo ay dib uga billaabanayaan wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Erdogaan uu Gurguurte ka dhaadhicinayo in uu heshiis la galo xabashida Itoobiya isla markaana uu meesha ka saaro shardiga ah in marka hore uu Abiy ka laabto heshiiskii xaaraanta ahaa ee uu la galay Muuse Biixi madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland.
Dowladda Xabashida Itooiya oo ay ka go'antahay in ay qabsato Badda iyo Barriga Soomaaliya isla markaana iska diiday in ay ka laabato heshiiskii Badda lagu siinayay ayaa tobanaan kun oo ka mid ah ciidankeeda soo gelisay gobolka Gedo.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in dowladda Ingiriisku ay Itoobiya ka taageerayso in ay mandiqad khad cas ah ka sameysato deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.
Boqollaal gaadiid ah oo ay la socdaan ciidamo millateri ah ayaa isbuucii lasoo dhaafay kasoo gudbay deegaannada dhaca xuduud-beenaadyada.
Kulamo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayay diblumaasiyiin British ah kula taliyeen Abiy Axmed in ciidamadiisa uu saldhigyo uga sameeyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaannada kulaala xuduud-beenaadyada halkaasna ay ka dhigtaan bar-kulan ay ka gummaadaan shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada ugu badan ayay xabashidu soo gelisay gobolka Gedo sidoo kale ciidamo kale ayay rabaan inay u diraan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaannada kulaala xuduud-beenaadyada.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda kooxda Villa Somaliya ayaa ku cataabay in Xabashidu ay dhegaha ka furaysteen amarkoodii ahaa in ay ciidankooda la baxaan taas bedelkeedna ay ciidamo kumanaan ah dalka soo gelinayso.
"Ciidamada faraha badan ee Itoobiya ay dalka kusoo daabulayso waxay meesha ka saarayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay Soomaaliya, waanan cambaareynaynaa hubka ay Soomaaliya kusoo daabulayaan" ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.
Kooxda Xasan Gurguurte ayaa dhowaan sheegtay in ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ku sugan laga reebay isbahaysiga cusub ee afrikaanta kaasi oo loogu magac-daray AUSSOM.