Ciidanka Yahuudda oo 25KM u jirsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq iyo duqeymo dhacay.

Tuesday December 10, 2024 - 16:54:34
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ay qabsadeen mid kamida gobollada wadankaas ee dhaca xuduud beenaadka.

Wariyaal ku sugan Suuriya ayaa soo sheegaya in ciidamada Yahuudda ay la wareegeen inta badan saldhigiyadii ciidankii Bishaar Al-Asad ee gobolka Alquneydara.

Ciidanka Yahuudda ayaa qiyaastii 25Km dhanka Koonfur galbeed ujirsaday magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, dhinaca Sahaayinada ayaa duqeymihii ugu cuslaa ayaa ka geystay Dimishiq iyo hareeraheeda.

Wasaaradda difaaca Yahuudda waxay xaqiijisay in ciidankeeda cirka ay burburiyeen dhammaan hubkii cuslaa ee dowladda Suuriya sababa la xiriira cabsi ay ka qabaan in hubkaas u gacan-galo xoogagga sunniga ah ee talada wadankaas la wareegay.

Goobaha la duqeeyay waxaa kamid ah garoomo diyaaradeed oo kuyaal Dimishiq, xarunta macmalka Kiimikada Suuriya iyo kheydadka gantaallada riddada fog ee gobolka Assweydaa.


 

Related Items

Update cookies preferences