Weftiyada ka qayb galaya caleemo-saarka Cirro oo la dhimay.

Thursday December 12, 2024 - 07:40:13
Liibaan Jeexoow
Waxa maanta dhacaysa xafladda xilwareejinta madaxweynaha maamulka Somaliland.
Muuse Biixi oo toddobadii sano ee ina dhaaftey soo ahaa madaxweynaha Somaliland ayaa xilka ku wareejin doona Cabdiraxmaan-Cirro oo noqon doona madaxweynaha shanta sano ee soo socota.

Haddaba wararka ka imanaya gobollada Waqooyi Somaliland ayaa sheegaya in weftiyada qaar loo diidey in ay ka soo qayb galaan xafladda xilwareejinta.

Muuse Biixi oo weli ah Madaxweynaha Somaliland ayaa gacanta ku haya agaasinka xafladda ayaa la sheegay in uu diidey waftigii ka iman lahaa Jabbuuti.

Muuse ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in uu diidey xubno ay aad isaga horjeedeen xilligi uu talada hayey.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani ayaa xaley sheegay in Muuse Biixi wali leeyahay xaqa dastuuriga ah ee agaasinka xafladda isla markaana xisbigoodu marka uu talada la wareego qabsan doonaan xaflad u gaar ah.

"Xafladda soo dhaweynta Madaxweyne Cirro waxaanu madaxtooyada ku qaban doonnaa 19 December, 2024” Xoghayaha Warfaafinta Waddani.

Si kastaba ha ahaatee xafladda waxa ka soo qayb galaya Wasiir Ku Xigeenka Dibedda Taywaan, Madaxweynaha "Dowladda Deegaanka” Somaalida Mustafe Cagjar iyo wufuud kale.

Related Items

Update cookies preferences