Aqalka madaxtooyada Somaliland waxa gelinka hore ee maanta ka qabsoomaysa xafladda xil-wareejinta madaxweynaha ee maamulkaasi.
Muuse Biixi oo looga adkaaday tartankii doorashada Somaliland ayaa maanta xilka talada ku wareejinaya C/Raxmaan-Cirro oo ku guulaystay codadkii ugu badnaa.
Munaasibadda oo goor dhaw ku beeggan ayaa waxaa la filayaa inuu ka qayb-galo, kalmadna ka dhiiban doono M/weynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin.
Daahir Riyaale ayaa 2010-ka markii uu xilka ku wareejinayay Axmed-Siilaanyo kula dardaarmay "Waxaan kugu wareejiyey dad iyo dal mida”.
Sidoo kale 2017-kii oo Siilaanyo xilka ku wareejinayay Muuse Biixi ayuu Riyaale kula dardaarmay "Waa in aanay jirin cid shaadhkaaga gashata oo Muuse ayaan ka wakiil ahay tidhaahda”
Kalmadahan dardaaranka ah ayaa bulshada gobollada Waqooyi ku reebay mahadho taariikhda gashay kadib markii dardaar-werintii Daahir Riyaale toos loo arkay.
Dadweynaha reer Hargeysa ayaa qaarkood is-weydiinaya, muxuu noqon doonaa dardaaranka maanta uu Daahir Riyaale siin doono C/Raxmaan-Cirro oo goor dhaw la wareegi doona talada maamulka Somaliland?
Sidoo kale dadweynuhu waxay aad isku weydiinayaan, Muuse Bixii ma Dayn-buu wareejin doonaaa sidii xukuumaddii ka horreysay ee Siilaanyo mise Dollar?
Muuse Biixi Cabdi ayaa talada maamulka Somaliland soo hayay muddo gaaraysa todoba sano, isagoo muddadaasi dalka geliyey dagaal isla marakana qaybo ka mida ka gatay Itoobiya.