Dalka Sucuudiga oo xilliyadii ugu dambeeyay lagu qabanayey mahrajaanno baal marsan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ayaa markale aqbaley in uu martigeliyo waxa loogu yeero "Tartanka Koobka Adduunka" ee sannadka 2034.
Dhaxalsugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan ayaana sheegay in uu soo dhaweynayo arrinkaasi isla markaana ay fursad sarreysa u tahay dadka xiiseeya kubadda cagta.
Xiriirka Kubadda Cagta kuwa loogu yeero FIFA ayaa soo saartey liiska waddamada lagu qaban doono koobkaas sannadaha soo socda.
FIFA waxa ay sheegtay in sannadka 2026 lagu qaban doono Mareykanka, Kanada iyo Meksiko. Halka sannadka 2030 lagu qaban doono Marooko, Burtuqaal iyo Isbayn.
Tartanka Kubadda Cagta ayaa Reergalbeedku bilaabeen 1930 kaas oo loogu talogaley in lagu jeediyo dalalka muslimiinta iyo kuwa kale ee soo koraya si hantidooda loo dhaco.
Xilli ay isbedello waaweyn ka sicdaan dunida ayaa dadka qaar isweydiinayaan nidaamka Reer Aalu Sacuud ma sii jiri doonaa 2034 mise waxa loo cayrin doonaa sidii ku dhacdey Reer Asadkii Suuriya.