Xasan Sheekh oo aqbaley damacii gurracnaa ee Itoobiya.

Thursday December 12, 2024 - 08:37:34
Liibaan Jeexoow
Kulan maalinkii shaley ahaa ay wada yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Abiy Axmed oo ka dhacey magaalada Ankara ee Turkiga ayaa qalinka lagu duugay in Itoobiya ay Soomaaliya ka hesho marin-badeed.
Kulankan oo uu qabanqaabiyey Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ugu dambayn la isku afgartey in Itoobiya soo gaarto xeebaha Soomaaliya. Kulamadii hore ee Ankara oo la isku fahmi waayey ka dib waxa mar saddexaad si rasmi ah u kulmay Xasan iyo Abiy.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in labada dhinac isku raaceen in ay si dhow u wada shaqeeyaan isla markaana wada xaqiijiyaan faa’iido wadar-oggol ah taas oo Itoobiya u oggolaanaysa in ay Soomaaliya ka hesho marin-badeed oo amni ah halka Itoobiya ay qiri doonto madaxbannaanida Soomaaliya.

Geesta kale labada dhinac ayaa Wakaaladda Anadolu tabisay in ay kulan dambe yeelan doonaan dhammaadka bisha February 2025 kulankaas oo Turkigu fududayn doono.

Heshiiska labada dhinac ayaa ku soo beegmaya xilli uu talada Somaliland la wareegayo Cabdiraxmaan-Cirro taas oo weji cusub u yeeshay arrintii MoU-ga ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xasan Sheekh oo isla shaley si xun ciidamada xukuumaddiisu ugu jabeen dagaalkii ay la galeen maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa tanina ku noqon kartaa fashal siyaasadeed oo kale.

Related Items

Update cookies preferences