Muuse Biixi: Korneylkii madaxa adkaa wuu tagey oo diblomaasi baa yimid.

Thursday December 12, 2024 - 11:24:10
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha talada ka degay ee Muuse Biixi ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda Xilwareejinta Somaliland.
Muuse waxa uu ku kaftamay in korneylkii madaxa adkaa uu talada ka tagey isla markaana uu yimid Cirro oo uu ku sheegay diblomaasi barakeysan. 

Muuse waxa uu ku xujeeyay C/Raxmaan-Cirro in uu nabadda kor u qaado.

Muuse waxa kale oo uu ka hadlay 7 sano ee uu talada hayey in dhaqaalaha Somaliland kor u kacey 16% waxa aanu intaa ku darey in shiling-ka SL ay ka ilaaliyeen in uu qiime dhaco.

Geesta kale waxa uu ka dhawaajiyey in la joojiyo wadahadlka Somaliland-Somalia.

"Waxaan madaxweyne Daahir Riyaale ku raacsanahay in la joojiyo wadahadalka lagula jiro Somalia” ayuu yiri Biixi.

Muuse Biixi waxa lagu xasuusan doonaa dagaalkii Laascaanood ee 8 bilood ka socday Bariga Sool iyo dadkii ku dhintay halkaas.

Waxa kale oo lagu xasuusan doona in uu qabtey afar doorasho oo lababa ay gaar isugu sidkanaayeen kuwaas oo afartaba xisbigiisa looga guuleystay isla markaana aanu ku samayn wax farogelin ah.

Waxa lagu xasuusan doonaa heshiiskii Is Afgarad ee Ethiopia-Somaliland ee sannadkan bilowgiisii kaas oo xasarad ka abuurey Geeska Afrika.

Ugu dambayn waxa uu talada wareejiyey maanta oo bishu tahay 12/12/2024 waxaan madaxweynaha Somaliland noqday Cabdiraxmaan-Cirro.

Related Items

Update cookies preferences