Hindise-shariciyeed lagu soo jeediyay in dowlad madax bannaan loo aqoonsado maamulka gobollada Waqooyi ee isku magacaabay Somaliland ayaa la horkeenay aqalka hoose ee Congresska Marykanka.
Hindisahan waxaa qoray laba xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga jamhuuriga oo uu ka tirsan yahay madaxweynaha cusub ee dalkaas Donald trump.
Qaanuunkan oo hadda horyaalla Kongareeska 118-aad ee Maraykanka walina aan cod loo qaadin ayaa waxaa lagu soo jeediyay in Mareykanku uu si rasmi ah u aqoonsado maamulka isku magacaabay Somaliland in uu yahay dal madax-bannaan oo ka go'an Soomaaliya inteeda kale.
Sidoo kale wuxuu sharcigan doonayaa in Mareykanku ka sameeyo joogitaan diblomaasiyadeed magaallada Hargeysa ee gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya iyada oo loo marayo safaarad ama qunsuliyad.
Sharcigan oo mari doono qorshe dheer ayaa haddii uu helo codka loo baahan yahay si uu u dhaqan-galo waxaa la hor-geyn doonaa madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump.
Trump ayaa haddii uu qalinka ku duuggo sharcigan ay ka dhigan tahay in dowlado badan oo kale ay aqoonsan karaan maamulka Somaliland.
Rucleyntan ay wadaan xildhibaannada Mareykanka ee kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa imaanaya iyadoo ay dhawaanahan soo baxayeen warar sheegaya in Maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulka falastiin uu daneynayo in uu saldhig Melleteri ka sameysato xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Berbera.
Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in sababta uu Abiy Axmed dib ugu dhigayay meel-marinta heshiiskii uu horraantii sanadkan la saxiixday Muuse Biixi ay tahay isagoo ka war-sugayay doorashadii Mareykanka ee uu Trump kusoo baxay.
Waxaa xusid mudan in aqlabiyadda labada aqal ee baarlamaanka Mareykanka uu gacanta ku hayo xisbiga Jamhuuriga.