Shiinaha oo taageero u muujiyey Soomaaliya xilli Maraykanku qorshaynayo aqoonsiga Somaliland.

Thursday December 19, 2024 - 15:15:29
Liibaan Jeexoow
Ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing ayaa salaasadii lasoo dhaafay booqasho ku tagay caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.
Diblomaasigan ayaa kulan la qaatay Xasan Sheekh, waxaanu sheegay in Shiinuhu taageersan yahay ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Safarka ergaygan ayaa imanaya xilli ay masuuliyiinta xukuumadda Washington ku dedaalayaan inay aqoonsadaan maamulka gobollada waqooyi ee Somaliland.

Sidoo kale booqashadan ayaa la sheegayaa inay jawaab u tahay booqasho uu wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda Taiwan Wu Chih-Chung ku tagay Somaliland.

Wasiirkan ka socday Taiwan ayaa todobaadkii hore magaallada Hargeysa kaga qayb-galay xafladdii xil-wareejinta madaxweynaha cusub ee C/Raxmaan-Cirro.

Mareeg arrimaha Shiinaha wax ka qorta oo la dhaho South China Morning Post ayaa sheegtay in Shiinahu ka biyo-diiday booqashada wasiirka Taiwan.

Sidoo kale mareegtan ayaa shaaca ka qaadday in Shiinuhu kasoo hor-jeedo nooc kasta oo iskaashi oo dhex-mara maamulka Taiwan iyo Somaliland.

Mareegtan ayaa warbixin dheer oo ay qortay ku sheegtay in ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo Washington looga codsanayo in ay aqoonsato Somaliland.

Waxaa sii kordhaysa taageerada ay Somaliland u hayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Maraykanka iyo Afrika ee Jamhuuriga ee Capitol Hill, Washington DC ee midigta u janjeera iyo la-taliyayaasha Afrika ee maamulka soo socda ee Trump, sida laga soo xigtay majalladda Mareykanka ee Semafor.

Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa todobaadkii hore soo bandhigay hindise-sharciyeed dawladda Maraykanka ugu baaqaya inay Somaliland u aqoonsadaan "dal gooniya oo madax-banaan”.

Mareegta ayaa sidoo kale lagu yiri Shiinaha iyo Maraykanku waxay labaduba u xaglinayaan inay saamayn ku yeeshaan Geeska Afrika oo leh marin-biyoodka Baabal Mandab ee gacanka cadmeed, ee u dhexeeya dekedda Berbera ee Somaliland, Jabuuti iyo Yemen, oo ah mid ka mida marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Mareegta Debate oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa iyaduna warbxin dheer oo ay daabacday ku sheegtay in ay jiraan dalal badan oo si gaar ah u danaynaya in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.

Isku soo wada duuboo tallaabadan uu maraykanku horseedka u yahay ee aqoonsiga Somaliland waa mid uu danahiisa ka dhex arkay kuna rabo in uu saldhig millateri ka samaysto magaallo-marsada caalamiga ah ee Berbera, halkaasna kaga duullo dadka muslimiinta ah.

Related Items

Update cookies preferences