Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo geeriyooday.

Monday December 30, 2024 - 11:32:07
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter ayaa Axaddii shalay ku geeriyooday xarun lagu xanaanayn jiray oo ku dhex-taalla guri uu ku lahaa degmada Plains ee gobolka Goergia ee dalkan Mareykanka.
Carter oo ahaa madaxweynihii 39-aad ee soo xakuma Mareykanka, ayaa 1924-kii ku dhashay Georgia, isagoo geeddi-socodka noloshiisana kasoo bilaabay beer-falidda, kaas oo si gaar ah ugu tabci jiray beerista Laws-ka.

Madaxweynihii ugu cimriga dheeraa ayuu Jimmy noqonayaa ee soo mara Mareykanka, waxaanu bishii October ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2024 u dabaal-degay da’da 100-sano oo uu gaaray.

Jimmy Carter waxa uu dhanka siyaasadda u ruqaansaday 1960-kii, markii loo doortay golaha guurtida ee gobolka kadib-na waxa uu noqday gudoomiye 1971-kii. Isagoo 5 sano kabacdina ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka.

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee hir-galay intii Carter uu kurisga ku fadhiyey waxaa ka mida doorkii uu ka qaatay waxa loogu yeero heshiiskii nabadda ee Camp David oo 17-kii Sebtembar 1978-kii dhex-maray Masar iyo Yahuudda.

Sidoo kale Carter ayaa ka mid ahaa dadkii ka dambeeyey shirqoolladii lagu dhagray dadka muslimiinta ah ee miro-dhalkoodii uu maanta ka muuqdo dhulka Filistiin ee xasuuqqa ba'ani uu ka socdo.

Related Items

Update cookies preferences