Duullimaadyo caalami ah oo ka degay garoonka caalamiga Dimishiq kadib 14 sanadood.

Wednesday January 08, 2025 - 08:19:56
2284
Madaarka caalamiga ee magaalada Dimishiq ayaa si rasmi ah dib looga shaqeysiiyay tan iyo wixii ka dambeeyay horraantii bishii December 2024 kolkaas oo lariday dowladdii Aala Asada ee Suuriya maamulaysay wax ka badan nus qarni.
Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa xaqiijinaya in duulimaadyadii ugu horreeyay oo caalami ah uu qaabilaymadaarka caalamiga Dimishiq taas oo ka dhigan iyo noloshii caadiga aheyd ay dalka dib uga billaabatay.

Diyaarad ay leedahay shirkadda Qadar Airways ayaa safarkii ugu horraysay ku tagtay dalka Suuriya kadib 14 sano oo ay ka maqneed,sidoo kale diyaaro ay leeyihiin shirkadaha Shaam Air iyo Suuriyan Air ayaa ka degay madaarka Dimishiq waxaana sidaas ku daah furmay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dhanka ganacsiga.

Axmed As-sharci oo ah hoggaamiyaha cusub ee Suuriya ayaa booqasho indha indhayn ah ku tagay garoonka Dimishiq isagoo bogaadiyay shaqada ay qabteen howlwadeennada garoonka.

Related Items

Update cookies preferences