Qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga oo rukhseeyay boqollaal shaqaalle ah + sababta.

Wednesday January 08, 2025 - 08:24:29
Liibaan Jeexoow
Baraha bulshada waxaa si aad ah looga hadlayaa arrinta ku saabsan dhaqaale burburka xooggan ee dalka ka jira gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Warar si aad ah layskula dhaxmarayo Baraha bulshada  ayaa sheegaya in qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka ay iska rukhseeyeen boqolaal kamid ah shaqaalahooda sababa laxiriira iyagoo bixin waayay mushaaraadka ah siinayeen.

dadka oo arrinkan si aad ah uga falceliyay ayaa ku sheegay in ay sabab u tahay xaraashka dhaqaale ee ay ku howlanyihiin madaxda dowladda Federaalka arrinkaas oo jilbaha dhulka ugu dhuftay dhaqaalihii dalka, waxay sheegeen in DF-ka ay canshuuro xad-dhaaf ah kusoo rogtay ganacsatada.

Carab cumar oo  kamid ahaa dadkii fikradaha ka dhiibtay ayaa yiri "Intii yareyd ee Soomalidu burburkii kadib kaga badbaaday baahida daran waxa eey aheyd ganacsiga gaarka loo leeyahay, haddana isagii ayaa dhulka galay oo dumay".

Nin wata magaca Injineerka wadanka oo isna bartama Facebook-ga qodobkan fikirkiisa uga dhiibtay ayaa yiri "Oday Xassan Sheekh dhaqaalihii awelba liitay u dhulka lasii galay shiid dartiis in wadanka oo dhan loogaga qaxo a u maleynaa".

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa dhulka kusii hoobanayay tan iyo sanaddii 2022 kolkaas oo uu Xasan Sheekh dagaal saameyn yeeshay geliyay dalka islamarkaana uu heshiisyo lasoo galay dowlado shisheeye.

Related Items

Update cookies preferences