Guddida Diiwaan-gelinta Somaliland oo liisankii siyaasadeed siiyay Xisbiyadii soo baxay.

Wednesday January 08, 2025 - 17:11:19
Liibaan Jeexoow
Guddida Diwaangelinta Ururrada/Xisbiyada maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa maanta liisankii siyaasadeed ee xisbiyada siiyey saddexdii xisbi ee dhawaan ku soo baxay doorashadii deegaannada uu ka taliyo maamulkaasi.
Doorashadii la qabtey 13 November ee sannadkii ina dhaafey ayaa waxa u tartamey ilaa toban urur waxaana xisbinnimo u soo baxay Waddani, Kaah iyo Kulmiye.

Xisbiga Kulmiye ayaa doorashadii tartanka axsaabta ee Somaliland ka helay 108,100 halka Kaah uu ka helay 131,506 Waddani oo kaalinta koowaad ku soo baxayna uu helay 216,284 sida ay sheegeen Guddida Doorashooyinku.

Cirro waxa uu goobjoog ka ahaa madasha lagu guddoonsiinayey guddoomiyeyaasha saddexda xisbi ee SL oo kala ahaa: Maxamed Kaahin, Guddoomiyaha Kulmiye. Xirsi Cali Guddoomiyaha Waddani iyo Maxamuud Xaashi oo ah Guddoomiyaha Kaah.

Doorashada Ururrada/Xisbiyada ayaa maamulka Somaliland ka qabsoonta 10-kii sanoba mar taas oo ka dhigan in liisanka maanta la bixiyey oo ku egyahay 2035.

Related Items

Update cookies preferences