Ex Wasiir Xundubey oo shaaciyey in maleeshiyaadkii lagu soo tababaray Ereteriya ay ku baaba'een weerrarada Al-Shabaab.

Monday January 27, 2025 - 11:04:21
Liibaan Jeexoow
Xassan Xundubeey Jimcaale oo ahaa wasiirkii hore ee amniga kooxda DF Somaliya, ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay fashilka siyaasadeed iyo midka ammaan ee madaxda kooxda Villa Soomaaliya.
Xundubeey ayaa soo hadal-qaaday fashilka ku habsaday duullaankii isbahaysiga ee ciidamada isbahaysiga ee dawladaha shisheeye iyo maleeshiyaadka dawladdu ay ku qaadeen deggaannada ay maamusha Xarakada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in gulufkaasi jabay uu ahaa mid lagu deg-degay isla markaana si qar iska tuurnimo ah ay kusoo gashay kooxda Villa Somaliya, jabkii iyo halaaggii ka dhacay-na ay taariikhdu diiwaan-gelisay.

Wasiir hore Xasan Xundubeey ayaa dhanka kalena ka warbixiyay burburka ku yimid maleeshiyaadkii lagu soo tabobaray Eritariya, isagoo tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay dalka soo galeen xilli ay shaki ka qabeen hoggaanka ugu sarreeya.

Sidoo kale Xundubay waxuu intaa raaciyey in xilligaasi uu socday dagaal adag, sidaas darteed qaar ka mida maleeshiyaadka ayuu sheegay inay firxadeen ka hor inta aysan goobaha dagaalka gaarin, halka kuwii kalena uu sheegay inay ku baaba’een furimaha dagaalka.

Related Items

Update cookies preferences