Maydka guddoomiye-xigeenkii Balad Xaawo ee Al-Shabaab dishay oo ku xayiran Muqdisho.

Tuesday January 28, 2025 - 12:20:55
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maydka mid ka mida mas'uuliyiintii gobolka Gedo uu ku xayiran yahay magaallo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
C/Fataax Nuur Mataan oo ahaa guddoomiye-ku-xigeenkii 1-aad ee degmada Balad Xaawo ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax culus oo ay la beegsadeen xoogagga Al-Shabaab.

Weerarkan oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Balad Xaawo ayay wararku tibaaxayaan in guddoomiyaha oo qaba dhaawac garaab ah loola cararay dhanka Muqdisho, halkaas oo wax yar kabacdi uu ku qudh-baxay.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in maydka guddoomiyaha ilaa hadda aan la aasin, kuna xayiran yahay muddo dhowr cisho ah gudaha magaallada Muqdisho.

Xogta ayaa intaa ku daraysa in weli wax jawaab ah aanay helin ehellada ninkan la dilay oo kooxda Villa Somaliya ka codsaday in maydkooda loo fasaxo si ay diyaarad ugu qaataan uguna aasaan gobolka Gedo.

Geesta kale Faaraha Macalim Bishaar oo ka mid ah xildhibaanada DF Somaliya ayaa sheegay in guddoomiyuhu uu u dhaawac-dhintay daryeel la'aan iyo weliba asbaabo ay ka mid tahay cunaqabatayn uu sheegay in R/wasaare Xamse uu saaray gobolka Gedo.

Xayiraadda saamaynta ku yeelatay maydkan ayaa timi kadib markii DF Somaliya ay joojisay duullimaadyadii gobolka Gedo, iyadoo kaga jawaabaysa khilaafka xooggan ee muddada dhawrka bilood ah ka dhex aloosan iyaga iyo maamulka Jubbaland.

Related Items

Update cookies preferences