Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dil habeennimadii xalay ka dhacay xaafadda Nuur-xawaad ee magaallada Balad Weyne.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerar qorshaysan ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaadka DF Somaliya.
Askarigan la dilay oo sawirkiisa aanu soo helnay, magaciisana lagu sheegay Maxamed Xasan Barroow loona garan ogyahay Carabeey, ayay wararku tibaaxayaan in qorigii uu ku hubaysnaa ay ka furteen xoogagga Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo dagaallo dhacay Isniintii iyo Salaasadii lasoo dhaafay looga dilay maleeshiyaadka DF ee gobolka Hiiraan ugu yaraan 75 isugu jira askar iyo Saraakiil.
Weerarrada lagu dhiig-bixinayo soo-duulayaasha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka u ah ee Soomaalida ayaa si joogta ah uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.