Wareyska Ra'yul Youm ayaa daabacay Donald Trump oo ku dhawaaqay in uu wado diyaar garoowgi ugu dambeeyay ee uu ciidanka Mareykanka uga saarayo dalka Suuriya.
Sida xogta jariiradu ay tibaaxyeso afhayeenka Aqalka Cad Caroline Leavitt ayaa xaqiijisay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu wado dib u eegis balaaran oo kama dambeys ah oo ku saabsan masiirka ciidamadiisa ku sugan gudaha Suuriya, waqti walbana filasho loogu jiro arinkaas waa sida ay hadalka u dhigtee.
Haweeneydan afhayeenka ka ah aqalka cad ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Washington wixii hadda ka dambeeya aysan isku mashquulin doonin dhibaatooyinka Suuriya, taa badalkeedna uu maamulka cusub Mareykanka uu go’aan ka gaari doono in ciidammadiisa uu kasoo saarto gudaha dalkaas.
Waxaa uu hadalkan kasoo yeeray Mareykanka xilli Turkigu uu doonayo in Trump askartiisa uu kala boxo Suuriya si ay ula loolamaan maleeshiyaatka Kuridda ee hada garab taaganyahay Mareykanka, kuwaas oo gacanta ku haya dhulka ugu kheyraadka badan ee gudaha Suuriya, waana midaas tan ay kasoo hor jeedo xukuumada Ankara.