Saddex dowladood oo kulan ka yeeshay arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan war-murtiyeedna soo saaray.

Monday February 03, 2025 - 18:58:57
Liibaan Jeexoow
Magaalada Al Qaahira ee caasimadda wadanka Masar waxaa ka dhacay kulan cusub oo ay isugu yimideen sedax dowladood oo qeyb ka ah loollanada isdiidan ee ka jira geeska qaaradda Afrika.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Jabuuti,Suudaan iyo Masar ayaa shirar gaar ah ka yeeshay arrimaha badda Cas iyo siyaasadaha kasoo kordhay bariga Afrika.

Badar Cabdulcaadi oo ah wasiirka arrimaha dibadda nidaamka Cabdifaax Alsiisi ayaa sheegaya in sedaxdan dowladood ee shirka yeeshay ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ay ku caddeynayaan mowqifka ay ka taaganyihiin xaaladaha Suudaan iyo Soomaaliya.

Wasiirrada aya sheegaya in ay taageero buuxdo siinayaan sidii uu ciidanka Melleteriga Suudaan dib ugula wareegi lahaa dhammaan dhulka wadankaas ayna ku garab siinayaan dagaalka uu kula jiro kooxda RSF ee Imaaraadku taageero.

"Waxaan isku raacnayn adkeynta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, Masar iyo Jabuuti waxay islasoo qaadeen soo jeedintoodi aheyd in ay qeyb ka noqdaan kamid ahaanshiyaha howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya" ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Sidoo kale dhinacyadan ku kulmay wadanka Masar ayaa carrabaabay in amniga biyaha Badda Cas ay ilaalinayaan, Maxamuud Cali Yuusuf oo ah wasiirka amuuraha khaarijiga Jabuuti ayaa isna kulanka ka sheegay in ay soo dhoweynayaan in Masar ay xarun weyn oo Lojistikada qaabilsan ka sameysato Jabuuti.

Related Items

Update cookies preferences