Cisbitalka Guud ee Hargeysa oo war-bixin ka sameeyay tirada dhibbaneyaasha cudurka Kansarka.

Wednesday February 12, 2025 - 10:59:23
Liibaan Jeexoow
Cusbitalka Guud ee Hargeysa ayaa baahiyey tirada dadka uu haleelay cudurka Kansarku sannadkii ina dhaafey.
Warbixinta ayaa lagu xusay in tirada dadka laga baaray xanuunku ay ahaayeen 680 qof kuwaas oo markii baaritaanka la sameeyay laga helay 182 ruux oo kamid ah.

Cisbitaalka ayaa tirada dumarka/dheddig ee laga helay xanuunka ku sheegay 100 halka tirada labku ay noqdeen 82 qof.

Inkasta oo uu Cudurka Kansarku leeyahay noocyo badan haddana bukaannada ugu badan waxa laga helay Kansarka dhuunta/cunaha (Esophagus Cancer) iyo Kansarka Naasaha (Breasts Cancer).

Muddooyinkan dambe waxa aad isu soo taraya tirada dadka uu asiibayo xanuunka Kansarku. Dhakhaatiirta ayaa cudurkan u sababaynaya cuntooyinka aan tayada lahayn ee dalka ku soo badanaya.

Dadka Soomaaliyeed badankood waxa ay cunaan cuntooyinka debedda laga keeno kuwaas oo ay ka mudan tahay cuntada dalka ee fareeshka ahi.

Geesta kale ganacsatada Soomaaliyeed ayaa soo dhoofiya raashin aan tayo lahayn ama marar badan taariikhdiisu dhacday taas oo sababta in shacabkii cudurro xunxuni haleelaan.

Related Items

Update cookies preferences