Xildhibaan Jeesow oo Xasan Gurguurte ku tilmaamay Tuug Beenaale ah.

Thursday February 13, 2025 - 10:47:50
Liibaan Jeexoow
Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan DF Soomaaliya ayaa mar kale eedayn culus ujeediyay Xasan Gurguurte oo ah madaxweynaha kooxda Villa Somaliya, kaasi oo wajahaya gebi-dhaclayn siyaasadeed.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa warbaahinta u sheegay in Xasan Gurguurte uu weerar ku hayo dhammaan hotellada iyo isku imaatinnada magaalada Muqdisho ee ay kulamada ku qabsadaan siyaasiyiinta isaga ka aragtida duwan isagoo falkaas ku sifeeyay mid keeni kara iska hor'imaadyo si toos ah u dhaxmara maleeshiyaadka DF Somaliya.

Isagoo weerar afka ah ku qaadayay Xasan Gurguurte ayuu tilmaamay Beenaale doonaya in uu xukunka iskasii joogo xataa haddii uu dhammaado muddo-xileedkiisu.

Khilaafka siyaasadeed ee DF Somaliya u dhaxeeya ayaa u muuqda in uu gaaray meeshii ugu sarraysay waxaana madaxda Villa Somaliya lagu eedaynayaa in lacagaha ay ka sameeyeen dhulalka ay boobayaan shacabka Muqdisho u adeegsanayaan qabanqaabada doorashooyin-ku-sheegyo siyaasadeed sida uu mar kale ku hadaaqayo Daahir Amiin Jeesoow.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli ay dhinacyada iska weerarayaan warbaahinta meelaha qaarna ay ka dhacayaan weerarro dhiig ku daatay oo ay geysanayaan maleeshiyaadka maamulladu, waxaana la saadaalinayaa in dhinacyadu dhaxdooda dagaallammaan haddii ay ku heshiin waayaan arrimaha doorashooyinka marka uu dhammaad ku dhowaado muddo-xildkeedka Xasan Gurguurte.

Related Items

Update cookies preferences