Iyadoo uu loollan adag ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa dhacay weerarro lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaadka Gurguurte iyo Laftagareen.
Gobolka Baay, habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay qarax ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugnaa gudaha magaallada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in qaraxaasi uu khasaare kasoo gaaray maleeshiyaadkan oo si gaar ah uga tirsanaa kuwa jawaasiista ah ee Nabad-sugidda.
Gobolka Shabeelada dhexe, faahfaahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa dagaallo tiraba dhawr jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte oo shalay ka dhacay duleedka degmada Balcad.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte lagu dilay dagaalladan, 9 kalena lagu dhaawacay.
Saraakiisha geeriyootay ayay wararku tibaaxayaan in uu ku jiray sarkaal ka tirsanaa maleeshiyaadka DANAB, kaas oo magaciisa lagu sheegay Sayid Cali.
Ugu yaraan 35 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo si xun loogu jabiyey isla maleeshiyaadkan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Balcad.
Weerarrada lagu dhiig-bixinayo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo dabadhilifyadooda ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.