Dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ka digay cudur ka dillaacay gobolka laga soo saaro Qaad-ka ee Kenya.

Sunday February 16, 2025 - 10:03:09
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in cudur halis ah uu ka dillaacay gobol kamida gobollada lagasoo saaro maandooriyaha Khaatka ee sida aad ah loogusoo dhoofiyo dalka Soomaaliya.
Cudurka loo yaqaan Kudka ayaa ayaa la sheegay in boqolaal qof uu kusoo ritay gobolka lagu magacaabo Miiruu halka kumanaan neef ay u dhinteen cudurkan oo si xowlli ah ugu dhex faafaya bulshada Kenya.

Kudka oo dadka iyo duunyada si isku mid ah ugu dhaca ayaa la sheegay in uu saameyn xun ku reebayo beeralayda soo saara maandooriyahaha halista ah ee loo yaqaan Khaatka.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in boqolaal ka mid ah shaqaalaha iyo beerallleyda Khaatka uu haleelay cudurkan Kudka waxaana laga cabsi qabaa in cudurku uu si fudud ugu soo gudbo dalka Soomaaliya sababa la xiriira beeralayda Kenyaanka ee khaatka soo daabula.

Dhaqaatiir Soomaali ah oo Kenya ku sugan ayaa sheegay in siyaabaha uu cudurku ku faafo ay tahay taabashada isla markaana uusan shaki ku jirin in Kenyaanka Khaatka soo guraa ay sababi doonaan qabadsiis marka uu maandooriyuhu soo gaaro Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhisay qiimaha maandooriyaha ay usoo dhoofiso Soomaaliya waana qorshe kale oo lagu doonayo in lagu sii baabi'iyo dhaqaalaha Soomaalida.

Wasaaradda beeraha iyo horumarinta xoolaha Kenya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in halkii Kiilow Garaam oo ah maandooriyaha Khaatka laga dhigay 700 illaa 1,300 shilinka Kenya.

Beeralayda gobolka Miiruu ayaa tallaabadan u arka mid sare loogu qaadayo dhaqaalahooda isla markaana ay lacago malaayiin Dollar ah uga helayaan dhanka Soomaaliya.

Mashruuca soo daabulidda Maandooriyaha khaatka wuxuu u xiran yahay Xasan Gurguurte iyo qoyskiisa kuwaas oo lacago boqolaal Malyan oo Dollar ah ka sameeya sanad walba.

Khaatka oo ah daroogo halis ah ayaa halakeeyay dhaqaalaha dalka iyo caafimaadka bulshada waxaana xusid mudan in tan sanaddii 2022 markii uu Gurguurte hoggaanka u qabtay kooxda Villa Somaliya uu sare u kacay soo dhoofinta Khaatka.

Related Items

Update cookies preferences