Kadib isbuuc ay ciidamada DF-ka is hortaag ku hayeen shirarka ay kooxaha mucaaradka ah ku qabsadaan hoteellada kala duwan ee magaalada Muqdisho ayay hoggaamiyaasha mucaaradka maanta usuurtagay in ay qabsadaan shir ballaaran.
Guriga uu Shariif Sheekh Axmed ka deganyahay magaalada Muqdisho ayay isku imaatin ballaaran ku yeesheen dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah kuwaas oo ubadan xildhibaanno katirsan baarlamaanka DF-ka.
Shirkan oo lagu dhaliilayay siyaasadda hoggaamineed ee Xasan Gurguurte ayay dhinacyadii hadallada ka jeediyay waxay weerar afka ah ku qaadeen madaxda ugu sarraysa DF-ka iyagoo ku eedeeyay in ay boob ku hayaan dhaqaalaha dalka.
Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore ee DF-ka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa si kulul uweeraray xukuumadda Xasan Gurguurte wuxuuna uga digay in ay hub ku caburiyaan siyaasiyiinta doonaya isbedelka.
"Ninka Qori cusub qaadanayo waxaan leeyahay Qori waa lagaa badan yahay ee guriga iska dhig”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
wuxuu intaas ku daraya in marnaba aysan aqbali doonin qabashada doorasho lagu sheegay qof iyo cod ujeedkeeduna yahay sidii uu Xasan Gurguurte xukunka usii joogi lahaa.
Sidoo kale mucaaradka ayaa ka hadlay boobka lagu hayo hantida shacabka Muqdisho iyo canshuuraha xad dhaafka ah ee lagusoo rogay ganacsatada gobolka Banaadir "In dadka maalin waliba canshuur lagu soo rogo oo Qori liifkiisa looga qaado, waa wixii laga dagaalamay oon la aqbali Karin.. Hay’ado xaaraan ah ayaa dadka ka qaata Canshuurta"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.
Xildhibaanno ay kamid yihiin Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Amiin Jeesoow ayaa iyana eedayn ujeediyay Xamza Cabdi Barre oo ay ku sifeeyeen siyaasi aan awood laheyn oo jeedbka ugu jira Xasan Sheekh.
Marwalba oo uu gaba gabo ku dhowyahay muddo xileedka madaxweynaha DF-ka ayay siyaasiyiinta mucaaradka ah qabsadaan shirar ay ku dhaliilayaan madaxweynaha xilligaas sii dhacaya