Nin da'diisa lagu sheegay 23 jir ayaa toorray ku weeraray lix qof, xilli ay marayeen koonfurta Austria. Waxaana dhintay hal qof, 5 kalena waa dhaawac sida ay boolisku xaqiijiyeen.
Weerarkan ayaa sida lagu soo warramayo maalinnimadii shalay ka dhacay magaallada Villach oo ka tirsan gobolka Carinthia ee dalka Austria.
Eedaysanaha oo loo taxaabay xabsiga magaallada Villach, ayay boolisku sheegeen inuu yahay muwaadin Suuriyaan ah oo sifo sharciya ku deggan Austria.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dhibanayaashu ay dhammaantood rag yihiin, kuwaas oo labo ka mid ah dhaawacyadoodu ay garaab yihiin, halka labada kalena uu dhaawacoodu fudud yahay.
Gelinkii dambe ee shalay Sabtidii, booliisku waxay sheegeen in qof shanaad, oo sidoo kale nin ah, uu isaguna ku dhaawacmay weerarkaasi.
Ilaa hadda boolisku ma uusan caddayn sababta falkan ku kalliftay eedaysanaha, sidoo kalena lama oga in uu jiro wax xiriir ah oo ka dhaxeeya qofka weerarka geystay iyo dhibbanayaasha.