Wafti Turki ah oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaley ka degay magaalada Hargeysa kuwaas oo kulan la qaatey madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas ayaa wararku sheegayaan in uu Somaliland kala hadlayey shirkii dhawaan uu ka qaybgaley Cirro ee Dubai iyo xiriirka Turkiga uu la leeyahay guud ahaan Soomaaliya.
Turkiga ayaa masuul ka ahaa shirkii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo qayb kamid ah badda Soomaaliyeed lagu siiyay Itoobiya.
Xafiiska Madaxtooyada SL oo baahiyey warbixin ku saabsan wixii dhexmarey waftiga danjiraha iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ay iska kaashan doonaan xagga dhaqaalaha iyo xasilloonida mandaqadda.
Dalka Turkiga ayaa mar hore heshiis aan la soo bandhigin la saxiixday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kaas oo dad badani ka biyo diideen.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Turkigu waxa ay ka shaqeysaa keliya danteeda mana aha sida Soomaalidu u haystaan in ay ka shaqeeyaan danaha muslimiinta.