Dagaallo lagu wiiqay maleeshiyaadka Gurguurte oo mar kale ka dhacay duleedka Balcad.

Monday February 17, 2025 - 11:15:21
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya dagaallo dhex-maray xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa tibaaxaya in uu jiro khasaare culus oo maleeshiyaadka Gurguurte lagu gaarsiiyey dagaalladan ay la galeen Al-Shabaab oo gabbal-dhacii shalay ka dhacay duleedka degmad Balcad.

Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deggaankaasi oo si xun loogu jabiyey maleehsiyaadka Gurguurte, askar fara badanna ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Weerarrada dhiig-baxa ah ee sida joogtada ah loogu naafaynayo maleeshiyaadka daba-dhilifyada ah iyo ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay ayaa guud ahaan ka socda gayiga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences