Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in mid ka mida hawl-wadeennada Wasaaradda Biyaha ee maamulka la baxay Somaliland saaka lagu dilay gudaha magaallada Burco.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Xadhigle (Shiine) ayaa sida ay wararku tibaaxayaan waxaa rasaas oodda kaga qaaday mid ka mida maleeshiyaad-beeleedka ka jira deggaannadaasi.
Ninka la dilay ayaa ka mid ahaa shaqaallaha wakaaladda biyaha ee magaallada Burco, waxaanu dilkani dhacay kadib markii isaga iyo ninka dilka geystay uu soo kala dhex-galay khilaaf la xidhiidha isticmaalka biyaha.
Cali Gaadda-yare oo ah taliyaha Booliska gobolka Togdheer oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysanahii falkaasi iyo weliba hubkii uu isticmaalay isla markaana ay u taxaabeen xabsiga magaallada Burco.
Ninka ka dilka geystay ayaa sida ay wararku tibaaxayaan ka mida maleeshiyaad-beeleed gacan-saar la leh maamulka ka jira gobolladaasi, kuwaas oo samaysmay wixii ka dambeeyey dagaalladii maleeshiyaadka Somaliland lagaga saaray magaallada Laascaanood ee gobolka Sool.