Cudurka Shuban-biyoodka oo ka dillaacay gobolka Gambella ee dalka Itoobiya.

Monday February 17, 2025 - 17:49:57
Liibaan Jeexoow
Dad gaaraya 9 qof ayaa u dhintay, 136 kalena waa uu soo ritay cudurka shuban-biyoodka oo ka dillaacay gobolka Gambella ee dhaca galbeedka dalka Itoobiya, sida uu shaaciyey maamulka xafiiska caafimaadka ee gobolkaasi.
Dr. Abel Assefa oo ah madaxa xafiiska caafimaadka ee gobolka Gambella ayaa sheegay in cudurkani uu saameeyay degmooyinka Akobo, Wantawo, Makuey iyo Lare. Waxaanu xusay in cudurkani uu horay uga dhacay dalka ay dariska yihiin ee Koonfurta Suudaan.

Sida laga soo xigtay Dr. Abel, 31 ka mid ah dadka uu soo ritay cudurka ayaa lagu gudo jiraa daaweyntooda, halka 96 ay ka kaceen. Waxaanu intaa raaciyey in kooxaha gurmadka caafimaadka loo daad-gureeyay goobaha uu cudurkani ka dillaacay.


Related Items

Update cookies preferences