Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo xaalka dalkiisa ku sifeeyey mid gacanta u geli doona Al-Shabaab.

Tuesday February 18, 2025 - 10:38:04
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee Itoobiya ninka lagu magacaabo Mulatu Teshome Wirtu ayaa rajo-xumo ka muujiyey mustaqbalka dalkiisa iyo colaadaha aan dhammaadka lahayn ee ka aloosan, oo hurintooda uu tunka u saaray madaxweynaha Eretriya Asaias Afwerki. Isagoo geesta kalena tilmaamay in awoodda xarakada Al-Shabaab ay gaari doonto ilaa bariga dhexe.
Teshome Wirtu waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha Eratriya, Asias Afawerki inuu ku hawlan yahay dhaqdhaqaaqyo burburin kara heshiiskii Pretoria ee lagu joojiyey dagaalladii lagu hoobtay ee muddada labada sano ah dhex-maraayay kooxda Tigreyga ee TPLF iyo dawladda dhexe federaalka Itoobiya.

Mulatu waxuu sheegay in Afawerki uu isku dayayo in uu ka faa’idaysto kala qaybsanaanta ka dhex-jirta kooxda TPLF, sidoo kalena uu rabo inuu wiiqo heshiishkii Pretoria, maadaama ayuu yiri heshiiskaasi uu dib u dhac shakhsiyadeed ku ahaa madaxweynaha Eretriya oo ku soo barbaaray ayuu yiri colaadaha, una arka nabaddu inay caqabad ku tahay dedaallada uu ku doonayo inuu ku ballaariyo saameyntiisa.

Sidoo kale Wirtu oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in Eretriya ay muddo dheer oo ku dhow Nus qarni ku lug lahayd khilaafka iyo colaad kasta oo ka dhacda gobolka, khaasatan dalalka Soomaaliya, Suudaan, South Sudan iyo Itoobiya oo uu sheegay in dhammaantood ay saamaysay dhagarta Eretriya iyo madaxweynaheeda Afwerki oo uu ku sheegay nin waallan oo qaba xanuunka dhimirka ee "Pyromania” oo ah cudur ku qasba qofka in had iyo goor uu noqdo xasarad-abuur.

Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo arrimahan kaga hadlay maqaal shalay lagu soo daabacay warbaahinta Aljazeera, ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in marnaba Afawerki aanu rabin in la joojiyo dhiigga daadanaya iyo colaadaha ka jira gudaha dalka Itoobiya.

"Si uu u burburiyo heshiiskii nabadda ee Pretoria, Asaias waxa uu hindisay maleeshiyaad ka tirsan gobolka Axmaarada ee Itoobiya. Waayadan danbena waxa uu ku biiray canaasiir ka tirsan kooxda TPLF oo aan ku qanacsanayn heshiiskaasi” ayuu yiri Mulatu Teshome.

Wirtu waxa kale oo uu sheegay in qayb ka mid ah TPLF iyo taageerayaasheeda hubaysani ay si cad u muujiyeen in ay doonayaan in ay burburiyaan maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigreyga iyagoo jabiyey qodobada heshiiskii nabadda, tallaabadaas oo uu ku sifeeyey masiibo qaran oo dhiiri-gelinaysa Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo ka dardaar-werinaya xaaladda ka dhisaalan gobolka ayaa carabaabay in cawaaqibka ka dhalan doona colaadahani ay kooxaha xagjirka ah oo uu ula jeedo xoogagga Al-Shabaab dhaxal-siin doonaan dhul barwaaqo ah oo ay ka gaaraan ilaa bariga dhexe.

Mulatu, waxa uu soo noqday madaxweynaha Itoobiya intii u dhaxaysay Oktoobar 2013 ilaa Oktoobar 2018, waxaanu soo qabtay jagooyin dublamaasiyadeed iyo heer wasiir oo kala duwan, isagoo xilliyada qaarna ahaa safiirka Itoobiya ee Turkiga, Shiinaha, Japan, iyo Asarbayjaan, iyo sidoo kale Wasiirka Beeraha iyo Afhayeenka Aqalka Federaalka.


Related Items

Update cookies preferences