Ciidamo ka tirsan xukuumaddii burburtay ee Afghaanistaan ayaa lagu bahdilay warqad ay u dirsadeen mid ka mid ah dalalka dhaca qaaradda Yurub, kaasi oo ka biya-diiday codsigaasi.
Maleeshiyadan oo ka tirsanaa Kumaandooska xukuumaddii hore ee Kaabuul, ayaa codsi magan-galyo-doon ah u dirsaday dowladda Ingiriiska oo ka mid ahayd isbahaysigii ku jabay duullaankii uu ku qaaday dalka Afghanistan.
Wazaaradda difaaca ee dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay diidday codsi rasmi ah oo kaga yimid ilaa 2,000 oo askari oo ka tirsanaa ciidankii gaarka ee xukuumaddii Ashraf Ghani, waxay wazaaraddu sheegtay in ciidankan kumannaanka ah ay soo bandhigeen caddeymo muujinaya inay ka dhinac dagaallamayeen ciidanka kumaandooska xukuumadda London ee kusoo jabay Afghanistanta xorta ah.
Wazaaraddu waxay sheegtay inaysan dib u dejin u samayn karin ciidankaasi, codsigii ay u dirsadeen xukuumadda London ayay ku hugoobeen, waxaana si cad loogu sheegay in uusan Ingiriisku dib u dejin u samayn karin ciidankaasi.
Go’aankan uu Ingiriisku ku diiday codsiga uga yimid ciidankii hore ee dalka Afghanistan ayaa yimid toddobaadyo uun kaddib markii maamulka Trump uu joojiyey duulimaad ay waddankaasi ku imaan lahaayeen tobannaan askari oo ka tirsanaa xukuumaddii hore ee Ashraf Ghani iyo qoysaskooda ee ka dhinac dagaallamayay ciidamada Maraykanka.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadii Afghaanistaan ee Maraykanku sida gaarka ah u tabobartay ay quuddareynayaan in ay ku biiraan dagaalka uu Ruushku kula jiro dowladda Ukraine, maadaama ay ku hungoobeen in dib u dejin ka helaan dowladdii ay 20 sano murtazaqada u ahaayeen.