In ka badan 10 qof ayaa lagu dilay kumanaan kalena way ku barakaceen kadib markii weerar ka dhashay isku dhac qoomiyahada Amxaarada iyo Oromada uu ka dhacay deggaan hoostaga magaalada Jima ee gobolka Oromiya.
Sida dad ku nool degaanka weerarku ka dhacay ay u xaqiijiyeen warbaahinta dalkaas, rabshadahan ugu dambeeyay ayaa bilawday ka dib markii la dilay ganacsade lagu magacaabo Zakir Ali oo ku sugnaa deggaanka lagu magacaabo Bore Kebele ee gobolka oromiya.
Zakir, oo ka shaqeynayay ganacsiga Bunka, ayaa la sheegay in la siiyay dhul sida qomiyada Amxaaradu ay sheegeen in laga qaaday ku dhowaad 200 oo beeraley ah, taas oo keentay in maleeshiyaad Amxaara ah ay dilaan ganacsadahan.
Dilka Zakir Ali ayaa loo aaneynayaa in uu sabab u noqday in dhalinyaro hubeysan oo loo badniyao inay Oromo yihiin ay weerareen dad u dhashay qomiyahada Amxaarada iyagoo dilay tobonaan qof, gubayna guryo badan iyo hanti kale sida ay dad goob-joogayaal ah u sheegeen warbaahinta dalkaas.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee ka badbaaday weeraradan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladdu ay goobta joogeen, balse aysan wax tallaabo ah qaadin si ay u joojiyaan xasuuqa iyo gubista guryaha.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa isagoo u warramaya idaacada BBC-da qeybteeda amxaariga, yiri "Sidee bay u aamusi karaan iyadoo guryo la gubayo? Haddii ay yihiin hay’adaha ammaanka ee saxda ah, ma aamusnaan lahaayeen?” Arrintan ayaa shaki weyn gelisay doorka dowladda ee la xiriira badbaadinta dadka rayidka ah.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu wali socdo dagaal ba'an oo u dhaxeeya dowladda uu Abiy Axmed maamulo iyo jabhadaha OLA ee Oromada iyo Jabhadda Fana ee Amxaarada.
Dowladda deggaanka Oromiya ayaa dhacdadan ku tilmaantay "shil,” iyada oo aan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah iyo cidda ka dambeysay weerarka.
Sida ay qoreen warbaahinta ku hadasha afka Amxaariga dhacdooyinka noocan ah ayaa kusoo laalaabtay gobolka Oromiya iyagoo ku eedeeyay in maamulka Oromiya uu qeyb ka yahay wax ay ugu yeereen xasuuq loo geeysanaayo dadka u dhashay qomiyada Amxaarada ee ku nool gobolka Oromiya.