Hub kala iibsigii ugu xoogganaa oo Muqdisho ka socda iyo mucaaradka oo digniino culus diray.

Wednesday February 19, 2025 - 10:29:59
Liibaan Jeexoow
Siyaasiyiinta mucaaradka oo ay kamid yihiin xildhibaanno katirsan baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale eedaymo culus ujeediyay hoggaanka Villa Somalia.
Magaalada Muqdisho waxay martigelinaysaa kulamo isbarbar yaac ah oo ay yeelanayaan taageerayaasha xisbiga Xasan Gurguurte iyo jilba culusta mucaaradka ee doonaya in Gurguurte uusan markale kusoo noqon xukunka.

Diini Max'med Diini oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa warbaahinta usheegay in hub iibsasho xowlli ah ay ka socoto magaalada Muqdisho islamarkaana  uu suurtagal yahay dagaal sokeeye oo ka dhax qarxay mucaaradka iyo DF-ka.

Wuxuu carabaabay in madaxda DF-ka ay dhibaato ku hayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada,sida ganacsatada,waxabarashada,caafimaadka iyo gaadiidleyda, wuxuu ka digay in haddii dhibaatooyinku sii socdaan ay xaaladdu meel xun gaari karto.

Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo katirsan baarlamaanka DF-ka ayaa isna weerar afka ah ku qaaday hoggaanka Villa Somalia oo uu ku sifeeyay kuwa fashilmay "madaxweynuhu waa ku fashilmay hoggaaminta dowladda wuxuu dalkii dhan ka dhigay meel uu isagu leeyahay waa in bulshada soomaaliyeed ay kooxdan iska qabato"ayuu yiri Gamaadiid.

Muuse Suudi Yalaxoow oo isna kamid ah Senatarada aqalka sare ayaa kasoo muuqday shir ay xubnaha xisbiga Xasan Sheekh ku yeesheen magaalada Muqdisho isagoona siyaasiyiinta mucaaradka ah ku sifeeyay kuwa cadow ah oo aan mudneyn in lala hadlo.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli uu sii dhammaanayo muddo xileedka Xasan Sheekh Maxamuud wuxuuna wajahayaa mucaaradad aad u xooggan.

Related Items

Update cookies preferences