Taliyaha Booliska gobolka Mudug ee Puntland oo dad shacab ah ku dilay magaallada Gaalkacayo.

Wednesday January 29, 2025 - 14:58:17
Liibaan Jeexoow
Mid ka mida mas'uuliyiinta maamulka la baxay Puntland ayaa tacaddiyo u geystay dad shacab ah oo ku dhaqan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Taliyaha booliska maamulka Puntland ee qeybta Mudug ayaa gaari si bareer ah u jiirsiiyey laba wiil oo dhalinyara ah xilli ay mooto dhug-dhugleey ah la socdeen.

Falkan waxaa ku dhintay 1 ruux halka midka kalena uu si xun ugu dhaawacmay, ehelka dhibanayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in taliyaha booliska gobolka Mudug uu gaarigiisa si ula kaca ah ugu dhuftay wiilasha kadib markii la weydiiyayna uu ku jawaabay in uu ka shakiyay mootada sidaasna uu u dilay dhalinyaradii la socotay.

Hooyada dhashay wiilasha dhimashada iyo dhaawaca ku noqday falkan bahalnimada ah ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilkii dhaawacmay uu ku dhibaataysan yahay cisbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo isla markaana mas'uuliyiinta maamulka Puntland ay diideen in ay magdhow ka bixiyaan falkaasi foosha xun.

Askarta iyo saraakiisha maamullada daba-dhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya ayaa tacaddiyo joogta ah ku haya dadka shacabka ah ee ku hoos nool, waxaana falalkaas usii dheer kufsiga iyo boobka ay u geystaan hantida bulshada.

Related Items

Update cookies preferences