FAAH-FAAHIN: Weerarro lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte iyo Jaajuus lagu khaarajiyey Afgooye.

Wednesday February 19, 2025 - 09:33:24
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya qaybo ka mida gobollada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo la isku fara-saaray oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay.
Gobolka Banaadir, waxaa ka dhacay maanta qarax ay xoogagga Al-Shabaab la beegsadeen Bar Kantarool oo maleeshiyaadka Gurguurte kaga sugnaayeen agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaallada Muqdisho.

Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay hawl-gal qorshaysan oo xoogagga Al-Shabaab habeennimadii xalay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey mid ka mida jawaasiista DF Somaliya, lagana furtay Mooto uu watay.

Shabeellaha dhexe, dagaallo culus oo tiraba dhawr jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa mar kale shalay ka dhacay duleedka deggaanka Balcad.

Dagaalladan ayaa daba socda dagaallo qaraar oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay isla deggaankaasi, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac badan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka DF Soomaaliya.

Weerarrada dhiig-baxa ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaadka maamullada daba-dhilifyada ah iyo ciidamada shisheeye ayaa si joogta uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences