Dawladda Eretriya ayaa ganafka ku dhufatay eedo uu maalin ka hor u jeediyey Mulatu Teshoma, madaxweynihii hore ee Itoobiya oo sheegay in Eretriya ay ku lug-leedahay colaadaha muddada badan soo jiitamayay ee ka aloosan guud ahaan geeska Afrika, isla markaana ay hurinayso dagaallo hor leh oo dib uga qarxa waqooyiga Itoobiya.
Yemane G. Meskel, Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, oo bayaan soo saaray shalay ayaa eedahaasi ku tilmaamay inay yihiin sheegashooyin loogu talagalay in lagu qariyo ajande dagaal-oogis ah. Isagoo intaas ku daray in Eritrea aysan dani ugu jirin inay fara-geliso arrimaha gudaha ee Itoobiya.
"Eratariya waxa ay mar walba adkeysay sida ay uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonnida gobolka. Arrimaha Itoobiya ay maanta wajahayso waxay ka yimaadeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo gudaheeda ah, in Eritrea oo la eedeeyaanna xal keeni mayso,” ayuu yiri Yemane.
Eritrea ayaa sidoo kale diidday sheegashada ah inaysan ku faraxsanayn heshiiska nabadda ee Pretoria, waxaanay sheegtay in heshiiskaasi yahay mid khuseeya gudaha Itoobiya, isla markaana aanu jirin wax dan ama rabitaan ah oo ay ku hor istaagto ama ku faro-geliso.
"Dhibaatada faraha badan ee gobolka ku habsatay waxay ka soo jeedaan Itoobiya, ee maaha meelo kale. Xalkuna kuma jiro in colaadaha dibadda laga dhigo ama lagu eedeeyo Eritrea…” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Erateriya.
Bayaankan kasoo baxay xukuumadda Asmara waxa si aan gabasho lahayn loogu dhalleeceeyey dhaqdhaqaayadii ugu dambeeyey ee Itoobiya ee ku saabsanaa damaca gurracan ee ay ku rabto inay ku qaadato qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Heshiiskii xaaraanta ahaa ee MOU-ga ee maamulka Hargeysa iyo Addis Ababa kala saxiixdeen ayay Eretriya ku tilmaantay inuu ahaa midka soo dedejiyey buuq, sawaxan iyo xiisad hor leh oo ka aloosantay gobolka.
Erateriya waxa ay sidoo kale ku eedaysay maamulka Addis Ababa, colaaddii xuduudka ee dhiigga badan ku daatay ee 1998-2000 dhex-martay labadooda dal, taas oo ay sheegtay in ay dhalisay damacii Itoobiya ku qabsatay qaybo ka mida dhulka Ereteriya.
Bayaankan kasoo baxay maamulka Asmara wax war-celin ah kama uusan dhiiban eed nuxurkeedu ahaa in madaxweynaha Eretriya uu hindisay maleeshiyaadka ka dagaallama gobolka Axmaarada sidoo kalena uu ku biiray canaasiir ka tirsan kooxda TPLF oo aan ku qanacsanayn heshiiska nabadda ee Pretoriya.