Sarkaal sare oo taliye ka ahaa mid ka mida saldhigyada Hargeysa oo toorray lagu gawracay.

Tuesday February 18, 2025 - 15:58:21
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska maamulka la baxay Somaliland oo gelinkii dambe ee maata lagu dilay magaallada Hargeysa.
Sarkaalkan oo sida la sheegay darajadiisu ahayd Gaashaanle ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Nuur, waxaanu ahaa taliyihii saldhiga degmadda Maxamed Mooge ee magaallada Hargeysa.

Mid ka mida askartiisa ayaa toorray nafta kaga jaray sarkaalkan, sida ay tebisay warbaahinta maxalliga ah ee ka hawl-gasha deggaannadaasi.

Askarigan ablayda ku gawracay taliyihiisa oo wararku ay tibaaxayaan in gacanta lagu soo dhigay, ayaan ilaa hadda la xaqiijin sababta dhabta ah ee ku kaliftay falkaasi.

Taliyahan ayaa sida la sheegayo ka mid ahaa saraakiishii booliiska ee muddada dheer u soo shaqaynayey maamulkaasi gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalkani uu muddo badan "Baadhe" ka ahaa saldhigga dhexe oo ah saldhigga ugu mashquulka badan magaallada Hargeysa.

Shalay ayay ahayd markii Burco lagu khaarajiyey hawl-wadeen ka tirsanaa shaqaallaha wakaaladda Biyaha ee magaalladaasi, iyadoo dilkaasi uu geystay mid ka mida maleeshiyaad-beeleedyada ka jira deggaannadaasi.

Xaaladda deggaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, waxaanu xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi uu dhawaan ka dhawaajiyey in nabad-galyo darro aan la isku hallayn karin ay ka jirto deggaannadaasi.

Related Items

Update cookies preferences