Maxaa ka jira gacan-haadiska Ruushka ee Somaliland? [WARBIXIN]

Monday February 17, 2025 - 10:57:01
Liibaan Jeexoow
Goa Chronicle oo ah warbaahin madax-bannaan oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa daabacday warbixin ay kaga hadlayso Ruushka oo dhaqdhaqaaqyo hor leh ka bilaabay Geeska Afrika, gaar ahaan deggaannada uu ka arrimiyo maamulka gobollada Waqooyi ee la baxay Somaliland.
Sida lagu sheegay warbixinta dawladda Ruushka ayaa usbuucii hore dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaalle ka bilawday dalal dhaca Geeska qaaradda Afrika oo ay ka mid yihiin Somaliland, Jabuuti iyo Suudaan.

Wefti uu hoggaaminayo Igor Morozov oo ah guddoomiyaha ururka ganacsiga Ruushka ee u qaabilsan qaaradda Afrika ayaa dhawaan socdaal ku tagay Somaliland waxaanay kulano ay halkaasi kula yeesheen madaxda maamulkaasi kaga wada-hadleen iskaashiga beeraha, warshadaha iyo saadka.

Igor Morozov iyo weftigiisa ayaa la kulmay Siciid Maxamed oo ah Wasiirka wasaaradda horumarinta Maal-gashiga iyo wershadaha Somaliland iyo Cabdifataax Ismaaciil Ducaale oo ah Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, waxaana kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta fursadaha maal-gashi ee Somaliland.

Warbixinta oo kulannadaasi tooshka ku ifinaysa ayaa tiri "Inkasta oo horumarkan loo qaabeeyey xagga ganacsiga, saadka, iyo beeraha, waxay haddana yeelan karaan cabbir millatari oo muhiim ah, gaar ahaan baadi-goobka muddada dheer ee Ruushku ku doonayay in uu saldhig ciidan ka samaysto gobolka”.

Walow aanay jirin warar rasmi ah oo xaqiijinaya in laga wada-hadlay heshiisyo ciidan, haddana socdaalkan ayaa gogol-xaar u noqon kara xiriir qoto-dheer oo keeni kara in si rasmi ah Somaliland loogu aqoonsado dal madax-bannaan, sida lagu yiri warbixinta.

Haddii uu Ruushku aqoonsado Somaliland, waxa uu halkaas ka samaysan karaa ayay tiri warbixintu saldhig ciidan oo uu ku beddelan karo maal-gashi dhaqaale iyo weliba iskaashi ciidan, kaas oo ka tarjumaya istiraatijiyadda Shiinaha ee Jabuuti. Talaabadani kaliya maahan inay sugto joogitaanka ciidamada Badda ee Ruushka ee gacanka Cadmeed iyo Badda Cas balse, balse waxay sidoo kale caqabad ku noqonaysaa saamaynta reer-galbeedka ee Geeska Afrika.

Maraykanku haddii uu go’aansado inuu sii joogo saldhigga uu ku leeyahay Jabuuti, waxa suurtogal ah ayaa lagu yiri warbixinta in Ruushku usoo wareego dhinaca Somaliland, halkaas oo dhawaanahanba ay soo shaac-baxday dib-u-dhacyadii ka jiray dublamaasiyadda iyo dhaqaallaha oo la filayo in boorka laga jafo.

Sidoo kale warbixintu waxay sheegtay haddii Donald Trump uu fuliyo hindisaha mashruuca 2025 oo ay ku jirtay in Somaliland uu aqoonsado si looga hor-tago saamaynta sii kordheysa ee Shiinaha, isla markaana joogitaankiisa Jabuuti u wareejiyo Somaliland, taasi waxay abuuri kartaa fursad uu Ruushku saldhig uga samaysto Jabuuti ama ugu yaraan uu korodho awoodiisa dhaqaale ee halkaas.

Isku soo wada duubboo warbixintu waxay diiradda saartay loollan hor leh oo Ruushku doonayo inuu ka bilaabo Geeska Afrika, isagoo xiriirro cusub ka qalqaalsanaya Somaliland, isla markaana diiradda ku haya hadba tallaabada uu Maraykanku qaado in isaguna uu kaga fal-celiyo mid ku habboon, si uu u ilaashado danihiisa millateri, dhaqaalle iyo diblomaasiyadeed.

Related Items

Update cookies preferences