Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya dagaallo Khasaare badan dhaliyay oo saaka degmada Baardheere ku dhaxmaray maleeshiyaad kala taabacsan Xasan Gurguurte iyo Axmed-madoobe.
Shacabka ku dhaqan degmada Baardheere ayaa mar kaliya saaka ku waaberiistay dhawaqa deryanka qaybaha kala duwan ee hubka culus ee ay is-waydaarsanayeen labada maleeshiyo, kuwaas oo magaallada ka dhigay goob dagaal.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Baardheere, halkaas oo ay weerareen maleeshiyaadka DF Somaliya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha u xil-saaran degmada Baardheere kuwaas oo shalay loogu awood-sheegtay gacan ku heynta degmadaasi.
Dagaallo saacado badan qaatay ayaa lasoo werinayaa in dhinacdayada uu ku dhaxmaray xarumaha maamulka degmada iyo saldhigga booliska, maleeshiyaadka Gurguurte ayaa ku dadaalayay sidii ay ula wareegi lahaayeen xarumaha maamulka halka dhinaca kale ay dirir adag kala soo hor-jeesteen.
Sida ay wararku tibaaxayaan dagaalkan ayaa qaatay muddo ka badan 3 saacadood, waxaanu sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo kala gaaray maleeshiyaadka dagaallamaya, saraakiil ciidan iyo weliba mas’uuliyiin kasoo kala jeedday labada dhinac.
Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uuliyiinta dagaalkaasi saaka ku naf-waayay uu ka mid ahaa Maxamed Ilyaas Caagane oo dhawaan ay kooxda Xasan Gurguurte u magacawday guddoomiyaha arrimaha bulshada ee degmada Baardheere.
Saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka daacadda u ah Xasan Gurguurte ayaa sheegay in iyagu ay lahaayeen weerarka saaka, xoog-na kula wareegeen xarumihii degmada Baardheere ee shalay uu ka qabsaday maamulka Jubbaland.
Aadan Sheekh Cali oo ka mida saraakiisha maleeshiyaadka Gurguurte ee hoggaaminayay dagaalkaasi iyo weliba xoghaya DFS ugu magacaaban degmadaasi ayaa sheegay in ay xoog ay ku qabsadeen degmada Baardheere, isla markaana ay jiraan rag ay nolosha ku qabteen iyo weliba khasaare soo kala gaaray labada dhinac oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale maamulka la baxay Jubbaland ayaa war qoraal ah kasoo saaray dagaalkan culus ee saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere, wuxuu caddeeyay in dagaalku socdo ciidamadooduna ay ku sugan yihiin xarunta degmada Baardheere.
Ilo-wareedyo ka madax-bannaan labada dhinac ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus isla markaana socday muddo dhawr saacadood ay markii dambe ku gacan sareeyeen maleeshiyaadka taabacsan Xasan Gurguurte, kuwaas oo haatan si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Baardheere.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sidoo kale uu jiro khasaare xooggan oo soo gaaray dadka rayidka ah ee saaka lagu kor dagaallamay. Iyadoo qaybo badan oo ka mida xaafadaha degmada Baardheere ay ka bilawdeen barakac xooggan.
Goob joogayaal ku sugan Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyada hardamaya aysan u naxayn shacabka oo ay madaafiic iyo rasaas culus ku beegsanayaan waddooyinka iyo dhismooyinka caanka caanka ah.
Dagaalkan ayaa bilawday kadib markii bil iyo dheeraad ka hor lagusoo kala baxay dagaalkii ka qarxay deggaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada hoose oo kooxda Axmed-madoobe ay ugu awood-sheegatay kooxda Gurguurte, sidoo kalena maamulka Jubbaland oo ay kaabayaan ciidanka Itoobiya ay hadana horey ula wareegeen degmada Dooloow ee isla gobolka Gedo.