Itoobiya oo xaalkeeda laga dayriyey burbur-na qarka u saaran [WARBIXIN]

Sunday February 09, 2025 - 11:40:45
Liibaan Jeexoow
Qaybo ka mida warbaahinta falanqaysa waxna ka qorta arrimaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan calaamado badan oo muujinaya rajo-beel ka taagan xaaladda guud ee Itoobiya oo ay ka socdaan dagaallo lagu hoobtay oo sii laba-laxaadsanaya marba marka ka dambaysa.
Dagaalladaasi ayaa waxaa ugu waaweyn kuwa ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromada iyo weliba gobolka waqooyiga ee Tigrey-ga oo mid ka mida labada garab ee Jabhadda (TPLF) ay ka dhawaajisay qorshaha dagaal ka dhan ah dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Sidoo kale warbixintu waxay xustay in ay jiraan saddex xisbi oo mucaarad ah, kuwaas oo si wada jir ah u soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in la badbaadiyo qaranka, iyagoo ka digay burbur ay sheegeen in Itoobiya ay qarka u saaran tahay.

Xisbiga ENAT, Xisbiga EPRP, iyo Xisbiga Midnimada Itoobiya (AEUP) ayaa si weyn u qiimeeyay natiijadii ka soo baxday shirweynihii labaad ee Xisbiga talada dalka haya ee Barwaaqo-sooranka, kaasoo todobaadkii hore ka qabsoomay Addis Ababa.

Congress-ka, oo mar kale u doortay Abiy Axmed inuu sii hayo hoggaanka dalka, ayaa ku andacoonaya in Itoobiya lixdii sano ee la soo dhaafay ay guullo ka gaartay dhanka dhaqaallaha, diblomaasiyadda iyo siyaasadda oo ay weheliso guullo xagga cadaaladda ah.

Sheegashadaasi ayay warbixintu tilmaantay inay u muuqato mid su’aallo la iska waydiin karo marka la eego xaqiiqada hadda ka jirta Itoobiya. Maadaama uu dalku cagaha la galay dagaallo baaxad leh iyo dhibaatooyin amni oo galaaftay nolosha kumanaan rayid ah oo ku kala nool gobollo kala duwan.

Intaa waxaa dheer ayay warbixintu tiri, xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee baahsan oo ay ku jiraan xabsiyada sharci-darrada ah, kufsiga, iyo dilalka sharci-darrada ah ee ka socda aagagga colaadaha, waxaanay arrimahaasi wiiqayaan sheegashada xisbiga talada haya.

"Farxdeennu waxay ahaan lahayd mid aan xad lahayn haddii Itoobiya ay runtii gaari lahayd guullaha aan jirin ee afka uu ka sheegtay xisbiga haya talada dalka lixdii sano ee la soo dhaafay," ayaa lagu yiri baaq hal-ku-dheggiisu ahaa "Badbaadinta Qaranka” oo wada-jir ay u soo saareen saddexda xisbi.

Axsaabtu iyaga oo qiimayntooda ka duullaya waxa ay ku doodayaan in bulshada Itoobiya ay qarka u saaran tahay burbur. Waxaanay iftiimiyeen sida ay uga sii darayso dhibaatada amni ee ka jirta dalka, iyagoo xusay hubanti la’aan nabad-galyo oo ka dhex-jirta guryaha dhexdooda.

Xisbiyada ayaa sidoo kale tilmaamay afduubyo madax-furasho ah oo baahsan oo ka socda gudaha Itoobiya, halkaas oo muwaadiniinta lagu qasbo ayay yiraahdeen inay bixiyaan malaayiin lacagta Itoobiya ah, si loo sii daayo. Iyagoo geesta kalena carabaabay in gudaha dalka iyo dacalladiisaba ay ka holcayaan colaado sababay dhibaato baaxad leh oo soo gaartay shacabka.

Bishii Nofembar 2024, xisbiyada mucaaradka, oo ay weheliyaan hawl-wadeenno, ayaa isku dayay inay abaabulaan isu soo bax dadweyne oo lagaga soo horjeedo dagaalka, balse dowladda ayaa mamnuucday waxaana la xiray qaar badan oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha oo xabsiga la dhigay, ayaa lagu yiri warbixinta.

Related Items

Update cookies preferences