Qaraxyo khasaare geystay oo lagu weeraray saraakiil ka tirsan DF iyo Kenyaan faafinayey diinta Kiristanka.

Tuesday December 24, 2024 - 08:30:58
Liibaan Jeexoow
Waxaa sii xoogaysanaya hawl-gallada ay xoogagga Al-Shabaab ku beegsanayaan soo-duulayaasha ciidamada shisheeye iyo daba-dhilifyada dullaysan ee jinsigoodu Soomaaliga yahay.
Qarax culus oo khasaare geystay ayaa xalay lagu beegsaday saldhigga maleeshiyaadka maamulka Koonfur Galbeed ee xaafadda Buulo Jameeco ee magaallada Baydhabo ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa xalay qarax culus lagu weeraray xubno Kenyaan ah oo diinta Kiristaanka ku faafinayay magaallada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay mid ka mida Kenyaankii faafinayay diinta Kiristaanka, 3 kalena lagu dhaawacay, kuwaas oo laba ka mida dhaawacoodu uu garaab yahay.

Haddii aynu milicsano gobolka Gedo, waxaa isna shalay ka dhacay qarax lagu beegsaday gaari ay la socdeen askar iyo saraakiil ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Doolow iyo Balad Xaawo, ayaa gabi ahaan-ba burburiyey gaarigii la weeraray oo uu ku rakibnaa qori BTM ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ku dhintay sarkaal darajadiisu ahayd kabtan oo magaciisa lagu soo koobay Qoorgaab. Waxaana ku dhaawacmay 6 askari oo kale.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in askarta dhaawacantay uu ku jiray sarkaal xidigle ah oo lagu magacaabo Cumar-Kaniini, kaas oo markii dambe u dhintay dhaawacii soo gaaray.

Isla galabnimadii shalay waxaa dhacay qarax culus oo lala beegsaday guri uu magaallada Balad Xaawo ka deggen yahay Sarkaal ka tirsan maleeshiyada jawaasiista NISA.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in sarkaalkan oo lagu magacaabo Dhaga-juun uu ka badbaaday weerarkaasi oo ay fuliyeen xoogagga Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Gedo.

Related Items

Update cookies preferences