Ganacsatada Soomaaliyeed oo si kulul uga hadlay tallaabadii uu Gurguurte halista ku geliyay ganacsiga xoolaha nool.

Wednesday January 08, 2025 - 08:12:45
Liibaan Jeexoow
Ganacsatada Soomaaliyeed ee xoolaha dibadda udhoofiya ayaa markale ka qeylo-dhaamiyay xaraashka ay DF-ka ku hayso dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Kulan ay ganacsatada xoolaha ku yeesheen magaalada Beledweyne ayay ku sheegeen in ay cambaaraynayaa tallaabadii uu madaxa DFS uu shirkad shisheeye ugu xiray dhoofinta xoolaha soomaaliya oo suuq wanaagsan ku leh caalamka gaar ahaan dalalka khaliijka.

Ganacsatada ayaa sheegay in tallaabadii uu Xasan Sheekh gacanta soomaalida uga bixiyay ganacsiga xoolaha ay tahay boob kale oo uu geysanayo madaxa kooxda ridada.

waxay xaqiijiyeen in Xasan Gurguurte uusan ka tagin dhammaan kaabayaasha dhaqalaha islamarkaana uu yahay mid halis gelinaya jiritaanka shacabka soomaaliyeed.

Qeybaha kala duwan ee bulshada soomaalida ayaa si adag uga falceliyay go'aankii uu qaatay madaxweynaha DF0ka ee uu ganacsade udhashay dalka Yemen ugu xiran dhoofinta xoolaha soomaaliya.

Xoolaha soomaaliya oo ah ugu tayada wanaagsan qaaradda afrika ayaa sanad walba lagasoo xareeyaa lacago boqolaal milyan oo dollar ah, waxay xooluhu nolol u yihiin in kabaan 20 malyan oo shacab soomaaliyeed ah.

In madaxweynaha DF-ka uu mugdi geliyo isha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka ayaa banaanka soo dhigaysa sida uu bilaasha xeytaha dabadhilifka ah ee Xasan dal xaraashe u yahay shakhsi dhan walba ka liita oo diinka ,dadka iyo dalka horor ku ah.

Madaxa DF-ka ayaa horay shaqooyin iyo shirkado uxiray qaar kamid ah gacan yarayaashiisa iyo xigtadiisa arrinkaas oo shaqa la'aan dhigay kumanaan kun oo ruux.

Related Items

Update cookies preferences