Maleeshiyaadka DF ayaa sare uqaaday dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Inta badan waddooyinka waaweyn ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu arkayaa jidgooyooyin saameyn xun ku yeeshay isku socodka gaadiidka dadweynaha, qaar kamid ah darawallada gaadiidka ayaa iskusoo bax cabasho ah ka dhigay degmooyinka dhaca bariga Muqdisho.
Maleeshiyaadka dowladda gaar ahaan kuwa ashahaadda-la-dirirka ah ayaa ciqaabad adag marsiinaya darawallada gaadiidka Hoomeyda loo yaqaan iyo dadka rakaabka ah ee saaran.
Maleeshiyaadka ayaa waddooyinka ku istaajinaya gaadiidka dadweynaha kadibna waxay rakaabka ku amrayaan in ay dhulka u degaan, xayawaanka Eeyaha ayaa la sheegay in ay u adeegsadaan baaritaannada arrinkaas oo ay shacabku cabasho ka muujinayaan.
Darawallada gaadiidka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladdu ay caqabad weyn ku hayaan shaqadooda, meesha ugu daran ee ay qeylladu kasoo yeerayso waa degmada Kaaraan halkaas oo lagu daadiyay maleeshiyaad Mareykanku soo tababaray kuwaas oo wata Eeyo waxayna ku xadgudbayaan shacabka.
Gaadiidleyda ayaa si faah faahsan uga hadlaya tacadiyada foosha xun ee ugu imaanaya cadowga iyagoo shacabka ku dhaqan Muqdisho ugu baaqay in ay arrimahan siwada jir ah uga dhiidhiyaan.
Inta badan waddooyinka laga soo galo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shacabka lagu silciyaa, gaadiidka khudaarta iyo caanaha ka keena labada Shabelle ayay mararka qaar maalmo ku qaadataa in ay magaallada gudaha u soo galaan arrinkaas oo sababa in ay khasaaraan badeecooyinka ay sidaan.