11 Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo loo wareejiyey dalka Cummaan.

Wednesday January 08, 2025 - 11:12:57
Liibaan Jeexoow
Mareykanka ayaa 11 maxbuus oo Yemeni ah u wareejiyay dalka Cumaan kadib markii muddo ka badan 20 sano ay ku xirnaayeen xabsiga Guantanmo Bay, sida lagu sheegay war ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka.
Xarunta Xuquuqal Insaanka la baxday ee loo soo gaabiyo CCR, fadhigeeduna yahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in 11 maxbuus oo todobaadkan loo gudbiyay dalka Cumaan uu ka mid ahaa Sharqawi Al-Xaj oo xirnaa muddo ka badan 21 sano.

Al-Xaj oo 51 sano jir ah, ayaa sidoo kale muddo 2 sano ah ku xirnaa, laguna jir-dilayay xarumaha CIA-da Maraykanka, isagoo ciqaabta ku socota darteed marar badan ka soomay cuntada, sida ay xaqiijisay Xarunta Xuquul Insaanka ee CCR.

"Fikirkeena waxa uu la jiraa Mr Al Hajj oo u wareegaya aduunka xorta ah ka dib ku dhawaad 23 sano oo uu ku jiray afduub. Siideyntiisu waxay rajo u tahay isaga iyo annagaba,” ayuu yiri Pardiss Kebriaei, oo ah qareen ka tirsan CCR.

Wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa maxaabiistan ay wareejisay ku tilmaantay in ay qayb ka yihiin dhimista maxaabiista si loo soo af-jaro xirista xabsiga fadeexadda iyo sumcad-xumada ku caan-baxay ee Guantanamo Bay oo la furay sanadkii 2002.

Xabsigan ayaa la sheegayaa in haatan ay ku hareen oo kaliya 15 Maxbuus oo muslimiin ah, kuwaas oo wararku tibaaxayaan in uu ku jiro nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Guuleed Xassan Duraan.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in Duraan uu ku dhashay magaallo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana 2004-tii ay sirdoonka Maraykanku ka afduubteen waddanka Jabuuti.

Guantanamo Bay, waa xabsi uu maraykanku leeyahay oo ku yaalla gacanka Cuba, waxaanu ku caan-baxay fadeexado is-barkan, sumcad-xumo iyo jir-dil ay weliba dheer tahay muddo aan xad lahayn oo lagu hayo maxaabiista.

Xabsigan ayaa la dhisay sanaddii 2001-dii kolkaas oo Buush uu xamlada saliibiga ku iclaamiyay muslimiinta isla markaana ay ciidankiisu duullaan ku qaadeen dunida muslimka ah gaar ahaan Afghanistan iyo Ciraaq.

Falalka foosha xun ee muddadii uu furnaa ka dhacay gudaha xabsiga waxaa si weyn uga qaylo-dhaamiyey isla markaana cambaareeyey hey’ado ay ka mid yihiin kuwa sheegta Xuquuqul Insaanka iyo Qaramada Midoobay.

Related Items

Update cookies preferences