Kooxda Xasan Gurguurte oo lagu eedeeyey inay abaabul-dagaal ka wadaan xad-beenaadka Somaliya iyo Kenya.

Tuesday January 07, 2025 - 17:40:23
Liibaan Jeexoow
Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka dawladda federalka Soomaaliya ku metela deggaannada maamulka Jubbaland ayaa Xasan Gurguurte iyo Kooxdiisa ku eedeeyay in ay shirqoollo iyo abaabul dagaal ka wadaan xad-beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Warsaxaafadeed ay maanta wada-jir u soo saareen ayaa lagu sheegay in kooxda Villa Somaliya iyo qaar ka mida saraakiisha ciidanka DF-ku ay ku hawlan yihiin abaabulka iyo qorista maleeshiyaad, isla markaana soohdin-beenaadka labada dal ay ku diyaarinayaan hub iyo dhaqaale.

Maleeshiyaadkan ayaa loogu talo-galay inay ka jabhadeeyaan gudaha Kenya isla markaana weerarro ka fuliyaan deggaannada ku teedsan xuduud-beenaadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu qeexay bayaanka kasoo baxay xildhibaannada labada aqal.

Kooxda Xasan Gurguurte ayaa loogu baaqay inay ka waantoobaan qalalaase iyo amni-darro la sheegay inay ka abuurayaan deggaannada dhaca xad-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, iyadoo dadka deggaanka iyo maamulka Jubbaland loogu baaqay inay ka feejignaadaan shirqoollada DF Soomaaliya.

Tirada xildhibaannada labada aqal ee bayaanka soo saaray oo dhan 35 xildhibaan ayaa Kenya ugu baaqay in ay ka feejignaato qalqal-gelin ay sheegeen in kooxda Villa Soomaaliya ay ka waddo soohdin-beenaadka labada dal.

Bayaanka ayaa kusoo aadaya xilli ay Deeradu dhex-miranayso kooxda Xasan Gurguurte ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Axmed-madoobe oo gar-wadeen ka ah maamulka la baxay Jubbaland.

Related Items

Update cookies preferences