Khasaaraha qaraxyo lagu beegsaday ciidamada Uganda iyo Diyaarad lagu weeraray degmada Waajid.

Thursday January 09, 2025 - 08:44:14
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya silsilado qaraxyo ah oo lala beegsaday ciidamada gumaysiga soo-duulayaasha Afrikaanta ee maalmo ka hor loo xiray shaarka cusub ee AUSSOM.
Ugu yaraan ilaa 5 qarax ayaa galabnimadii shalay lala beegsaday kolonyo ciidamo Yugaandhiis ah oo ku socdaalayay inta u dhexaysa deggaannada Laanta Buure iyo Nambar 50 ee gobolka Shabeelada hoose.

Qaybo ka mida ciidanka Yugaandha oo lugaynayay ayaa lagu weeraray 4 qarax, halka qaraxa shanaad-na si gaar ah loogu bartilmaameedsaday gaari xamuul ah oo sahay u waday, kaas oo gubtay, gabi ahaan-na basbeelay.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 4 askari oo Yugaandhiis ah iyo dhaawaca 7 kale oo uu ku jiro sarkaal Miino-baare ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in haraadigii baabuurka ay jiiteen, isla markaana goobtii qaraxyadu ka dhaceen ay kusoo degtay diyaarad Helicopter ah oo tiraba laba jeer daabushay maydadka iyo dhaawacyada ciidamada Yugaandha.

Dhanka gobolka Bakool, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraray garoonka diyaaradaha degmada Waajid, xilli ay ku degaysay diyaarad la sheegay inay u socotay maamulka la baxay Koonfur Galbeed.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in diyaaradda la weeraray ay waxyeello kasoo gaartay rasaastii ay ku fureen xoogagga Al-Shabaab, kadib-na ay si deg-deg ah uga duushay garoonka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qorshaha diyaaradda oo ahaa inay ku degto madaarka Muqdisho ay u suuro-geli wayday waxyeellada awgeed, isla markaana ay si deg-deg ah u cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee magaallada Baydhabo.

Weerarrada sida joogtada ah loogu beegsanayo ciidamada gumaysiga ee soo-duulayaasha shisheeye iyo daba-dhilifyada jinsigoodu yahay Soomaaliga, ayaa si xawliya uga socda guud ahaan gayiga Soomaaliyeed.

Related Items

Update cookies preferences