R/wasaaraha Itoobiya oo sheegay in ciidamada ugu badan ee looga dilay Soomaaliya ay yihiin kuwa Xabashida.

Sunday November 10, 2024 - 15:23:29
Liibaan Jeexoow
Xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira geeska Afrika ee u dhaxeeya ee jinsiyadaha kala duwan leh ayay dowladda xabashida Itoobiya weli ku adkeysanaysaa in ciidamadeedu kasii mid ahaandaan howlgalka soo duulayaasha Afrikaanta ee Soomaaliya.
Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Xabashida ayaa sheegay in ciidamada ugu badan ee shisheeyaha looga laayay Soomaaliya ay yihiin kuwa Itoobiya, isagoo magaallada Addis Ababa kula hadlayay siyaasiyiin xabashi ah ayuu sheegay in ciidamo kumanaan ah ay ku waayeen Soomaaliya.

"Ciidamada ugu badan ee lagu dilay Soomaaliya waa ciidamadeena Itoobiya waxaa la dilay iyagoo difaacaya dowladda Soomaaliya ee hadda oranaysa iska baxa taasina ma ahan wax suuragal ah" ayuu yiri Abiy Axmed oo muujinaya damaciisa fog ee sii haysashada dhulka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha Xabashida oo u muuqda in ciidamada Itoobiya ee xoogga ku jooga Soomaaliya ay dalka u joogaan fulinta masaalixda gummeysi ee Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay in hadafkooda ah in ay gaaraan badda cas ay u hureen kumanaan askari isagoo iska dhega tirayay hadaaqa kasoo yeeray kooxda Villa Somaliya ee ah in howlgalka cusub ee afrikaanta laga reebayo ciidamada itoobiya.

Mar walba oo ay madaxda xabashidu ka hadlayaan arrimaha ku saabsan masiirka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya waxay ku andacoodaan in ay xaqiijinayaan himilooyinkooda ah qabsashada badda Soomaaliya.

ku dhowaad 40-kun oo askar itoobiyaan ah ayaa duullaan ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxayna ciidamadan geystaan gabood-fallo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Weerarkii ugu dhiig-daadashada badnaa ee ciidamada Itoobiya lagu laayay ayaa sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Booco Banaaneey ee gobolka Bakool halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 300 oo Xabashi ah.

Xasan Gurguurte iyo kooxdiisa ayaa ahaa kuwa ciidamada Itoobiya kusoo hoggaamiyay Soomaaliya iyagoo ku sheegaya ciidamo nabad ilaalIyeyaal ah iyaga ayaana umadda u gummeeyay balse markii ay dhowaan is khilaafeen Abiy Axmed ayay sheegeen in iyagu ay bad siinayaan oo aysan ogoleyn in dhanka Muuse Biixi loosoo maro.

Tan iyo markii uu Abiy Axmed Muuse Biixi la saxiixday heshiiskii xaaraanta ahaa ee lagu siiyay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ayuu fagaarayaasha lagu gorfeeyo siyaasadda ka sheegayay in ciidamadiisi lagu laayay Soomaaliya ay u dhimanayeen qabsashadda badda Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences