Daahir Riyaale: Waa in la xiraa wadahadallada Soomaaliya ee madhalayska ah.

Thursday December 12, 2024 - 11:22:14
Liibaan Jeexoow
Madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo ka hadlayey xafladda Xilwareejinta maanta ka dhacaysay Hargeysa ayaa Cabdiraxmaan-Cirro kula taliyey in uu soo afmeero wadahadallada Somalia iyo Somaliland.

Daahir waxa uu sheegay in isaga iyo madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaalba ay isla meel dhigeen in aan Soomaaliya lala hadlin illaa ay iyagu dowladnimadooda u madax bannaanaanayaan.

"Aniga iyo Cigaal Soomaaliya talo ayaa nooga taallay, taladu waxay ahayd; nimankaasi markey dowlad isxukunta noqdaan aan la hadalno” Daahir

Dhanka kale waxa uu sheegay in Xisbiga Kulmiye ay 12 sano wadahadal la wadeen haddana aaney waxba ka soo bixin.

"12 sano ayaad wadahadal la waddeen madhalays bay noqdeen”

Waxa kale oo uu Daahir ugu baaqey kuwa loogu yeero Beesha Caalamka in ay Somaliland aqoonsadaan. 

Mar uu la hadlayey Madaxweynaha la doortey ee Cirro waxa uu ugu baaqey in uu isagu yeesho go’aanka ugu dambeeya ee cidda uu xil u dhiibanayo.

Related Items

Update cookies preferences