Waxaa soo gaba gaboobay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay deegaan katirsan gobolka Jubbada hoose ku dhaxmarayay maleeshiyaad kala taabacsan DF-ka iyo maamulka Jubbaland.
Dagaallada oo saacado badan qaatay ayaa ka dhacay gudaha iyo banaanka deegaanka Raaskaambooni ee gobolka Jubbalada hoose, maleeshiyaadka daacadda u ah Axmed Madoobe ayaa guuldarro foolxun dhabarka usaaray maleeshiyaadkii dowladda ee diyaaradaha lagu geeyay Raaskaambooni.
ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in tobanaan katirsan dhinacyadii dagaallamay ay ku dhinteen iska hor'imaadka Raaskaambooni.
Wasiir ku xigaanka ammaanka maamulka Jubbaland ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ay soo afjareen ciidamadii dowladda oo ay ka dhigeen kuwa baxsaday,kuwa isdhiibay iyo kuwa dhintay isagoo wixii dhacay mas'uuliyadooda dusha uga tuuray madaxweyne Xasan Gurguurte oo uu ku sifeeyay Eedaysane Xasan.
Ciidanka Booliska Kenya ayaa bartiisa Twitterka kusoo bandhigay sawirro muujinaya maleeshiyaad katirsan dowladda oo xad beenaadka kasii tallaabaya, waxaa la arkayay maleeshiyaad gacmaha taagtay oo hubka iska daadiyay islamarkaana isku dhiibaya booliska Kenya.
Saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadii dowladdu diyaaraha ku geysay Raaskaambooni ayaa gudaha Kenya galay waxaana saraakiishaas kamid ah Col.Xasan Ciraaqi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid deggan waxaana deegaannadii lagu dagaallamay gacanta ku haya maleeshiyaad daacad u ah Axmed Madoobe